Axmed Karaash oo Loo Doortay Madaxweyne Ku-xigeenka Cusub ee Puntland.

0
????????????????????????????????????

 

Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash),Wasiirkii Hore ee Arrimaha gudaha ee maamulka puntland ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland.

Karaash ayaa helay 47-cod,halka murashixii la tartamayay Cabdi Qawdhan uu helay 19-cod,wuxuuna sidaas ku noqday madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Puntland Axmed Karaash ayaa hore u soo qabtay xilal kala ah; wasiirka Arrimaha gudaha  iyo wasiirka Duulista hawada  ee Puntland oo uu ka soo qabtay xukuumadii Cabdiweli Gaas.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here