Wararka ka imaanaya Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran ay Xaafadaha Degmadaas saakay kawadaan Hawlgal baaris guri guri ah.
Wariyaha Degmadda Afgooye ee idaacadda Simba Ibraahim Bashka ayaa kusoo waramaya in Ciidamadda ay galayaan Guryaha ku yaala Xaafadaha Degmadda Afgooye,waxayna kala soo baxayaan dhalinyaradda.
Howlgalka ayaa si gaar ah waxa uu kaga socdaa Xaafadda Xaawo Taako oo ku taala Degmadda Afgooye,waxaana halkaas laga soo qabtay dhalinyaro badan oo lagu tuhmaayo falalka amnidaro.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmadda Afgooye aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan howlgalka saakay ka socda Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

