Qaar kamid ah Musharixiintii xilka Madaxweynaha Maamulka puntland ayaa caawa ku dhawaaqay in ay ka Tanasuleen Musharaxnimadooda.
Xubnaha Tanasulay oo gaaraya Lix Xubnood ayaa kala ah Abdirisaq Jamac Jano gale,Cabdulaahi Jamac Salah,Maxamed Salaad Qoryooley,Cali Axmed Gamuute,Cabdiweli Cabdiraxmaan Gayre, iyo Cabdixakiin Axmed Xaashi.
Sida ay sheegeen Xubnahaan waxay u tanasuleen Seddex musharax oo kala ah Siciid Cabdulaahi Deni,Daahir Mire jibriil,Cabdisamad Maxamed Galan.
Ujeedooyinka ay u Tanasuleen ayay ku sheegeen sidii C/wali Maxamed Cali (Gaas), madaxweynaha Waqtigiisa uu dhamaaday looga badbaadin lahaa Puntland.
Ugu dambeyntii musharixiinta kale ayay ugu baaqeen in ay isu tanasulaan si loo badbaadiyo Puntland.

