Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Sababta Dalka Loogu Ceyriyay Haysom+Dhageyso

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xog dheeraad ah ka bixisay sababtii dalka looga ceyriyay Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom.

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise cawad oo la hadlay Bbc-da ayaa ayaa sheegay in ergayga uu galay khaladaad badan, islamarkaana uu wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale ula dhaqmay sida mas’uul isaga ka amar qaata.

“Mr Haysom wuxuu dhinac maray nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadeed, wuxuu u dhaqmay sida inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya. Marka wuxuu cay ku yahay dhaqanka UN-ta, wuxuuna gef weyn ka galay qaranka iyo madax-bannaanida Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Axmed Ciise Cawad.

Wasaaradda arimaha dibedda ayaa ku wargelisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, in Nicholas Haysom aan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya, sidaa awgeedna loo baahan yahay inuu dalka uga baxo sida ugu dhaqsaha badan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here