Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Warbixin kasoo baxday Qaramadda midoobay oo ku aadan in Dowladda Federaalka Soomaaliya sifo qaldan u martay xarigii Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), iyo dadkii lagu dilay Magaaladda Baydhabo.
Xildhibaan C/shakuur Cali Warsame oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan warbixinta Xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya.
Waxa uu sheegay inta aysan doorashadda ka dhicin Magaaladda Baydhabo ay dhibaatooyin ka dhaceen Magaaladda,taasi oo ka dhalatay Xarigii Shiikh Roobow kaasi oo haatan u xiran Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.
Wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa qoraal xasaasi oo ka dhan ah habkii loo fuliyey xariga Mukhtaar Roobow iyo dadkii lagu dilay Baydhaba u diray dowladda Soomaaliya, isaga oo ka wkaiil ah beesha caalamka.
Qoraalka oo ku socda wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay gaysteen xadgudubyo ka dhan xeerarka xuquuqda aadanaha QM, islamarkaana maadaama QM ay bixiso mushaarka ciidamada qeyb ka mid ah, ay qasab tahay inay arrintan jawaab u raadiso.

