Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan Ciidamadda dowladda Federaalka Soomaaliya oo Darawal Mooto bajaajle ahaa ku dilay duleedka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay agagaarka Isbtaalka Macaane ee deegaanka Garas-baaleey duleedka Magalada Muqdisho,.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal Askari iyo Darawalka ayaa waxaa soo kala dhexgalay Ismaandhaaf ku aadaana in askariga Mootadda lagu qaado lacag la’aan,halka Darawalka uu diiday arintaas,taasina ay keentay in askari uu rasaaseeyo.
Darawalka la dilay ayaa lagu magacabaayay Ala Ha U Naxariistee C/qaadir Ibraahim Carab Siidow,wuxuuna kamid ahaa dadka sida weyn looga yaqaanay deegaanka Garas-baaleey duleedka Magalada Muqdisho.

