Faah-faahin:-Qarax Dhacay, iyo 3-ruux oo Lagu Dilay Hal Goob Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Seddex Ruux oo Duhurnimadii maanta lagu dilay Degmadda Shibis ee Gobolka Banaadir.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Buulo Shiidle, Degmada Shibbis ee Magaalada Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogyaaal, kooxo bastoolddo ku hubeysnaaa ayaa toogtay Labo Askari oo ka tirsanaa Dowladda Hoose,waxaa sidoo kale isla goobtaas lagu dilay qof la fadhiyay labada Askari oo shacab ahaa.

Dhanka kale Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa si bareer ah waxa uu u toogtay Darawal Mooto Bajaajle ahaa Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Waa Afaraad ee maanta ka dhaca Magaaladda Muqdisho,xili saakay Taliye Ciidan iyo ruux rayid ahaa lagu dilay Degmadda Waabari ee Gobolka Banaadir.

Dhanka kale qarax Gaari lagu xiray ayaa dhacay Duhurnimadii maanta Isgoyska Tarabuunka ee Magaaladda muqdisho,waxaana ku dhaawacmay Labu ruux oo ilaa haatan aan la ogeyn.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here