Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd waxa ay dil ka geysteen Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Horseed ee Demada Waabari ee Gobolka Banaadir,waxaana halkaas lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Culusow ahaa Gaashaanlle dhexe ,wuxuuna ka Tirsanaa Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal rag hubeysnaa ayaa rasaaseeyay sarkaalka,kuwaasi oo goobta ka baxsaday.
Dhanka kale Goobta uu dilka ka dhacay waxaa haatan ku sugan Ciidamadda Amaanka Dowladda Soomaaliya waxaana socda baaritaano lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka Sarkaal Cabdi Maxamed Culusow.
Mudooyinkii dambe waxaa magaaladda muqdisho kusoo batay dilalka qorshaysan ee loo geysanayo dad shacabka ah iyo askarta ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

