Gudoomiye Faarax Nuur Guure iyo Ilaaladiisa oo Lagu Dilay Weerar Qorshaysnaa

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar duhurnimadii maanta lagu qaaday kolonyo uu la socday Guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere) iyo qaar kamid ah Ilaaladiisa.

Sida ay inoo xaqiijiyeen Mas’uliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan, maleeshiyo beeleed hubeysnaa ayaa jidka u galay Gudoomiyaha iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo ka yimid dhanka degmadda Maxaas kuna sii jeeday Magaaladda Beledweyne.

Inta la xaqiijiyay Saddex askari oo kamid ah ilaaladiisa ayaa lagu dilay weerarka iyo Gudoomiye ku-xigeenkii Degmada Matabaan.

Maleeshiyaadka dilay gudoomiyaha iyo ilaaladiisa ayaa meesha kaga tagay meeydadka oo kaliya waxana ay horay u kaxeeysteen gaarigii gudoomiyaha iyo hubkii ay wateen askarta la socotay gudoomiye ku xigeenka matabaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here