Gaari Laga Soo Buuxiyay Waxyaabaha Qarxa oo Lagu Qabtay Baydhabo

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku waramaya in Ciidamadda amaanka Maamulkaas ay gacanta ku dhigeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo ragii watay.

Gaariga waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen ayaa la sheegay in uu ahaa Nooca Soomaalida u Taqaano Caasiga,waxaana la socday 3-ruux oo gacanta haatan lagu hayo.

Saraakiisha Ciidamadda amaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxyadda la doonayay in lagu weeraro qeybo kamid ah magaalada Baydhabo.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in la baarayo gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo raga la socday, waxa ayna dambi baarayaasha ogaanayaan halka gaariga loo waday iyo cida soo dirtay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here