War Deg Deg:-“ Xaaji Iikar oo Caawa Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho+Sawir

0

Koox hubeysan ayaa  Caawa  dil u geysatay guddoomiyihii Waaxda Horseed ee degmada Xamar-Weyne ee Gobolka Banaadir allaha unaxariistee Xaaji Iikar.

 

Dilka Marxuumkaan ayaa ka dhacay meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla agagaarka Masjidka Shiikh Rumaanka ee degmada Xamar-weyne sida ay Simba u Xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

 

Waxaa wararku ay intaas  ku siidarayaan in Kooxda dishay  Xaaji Iikar sidoo kale ay goobta ku dileen ruux ka tirsanaa shaqaalaha shirkada Xawaalada dahabshiil laanta Xamar-weyne kaasoo magaciisa lagu sheegay Maxamed Muxyadiin xili uu marayey.

 

Ciidamada Amniga ayaa Goobta soo gaaray kuwaasi oo wali ku jira Howlgal ay ku baadi goobayaan kooxdii dilka geystay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here