Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay dadka garsoorka u doonta Maxkamadaha Xarakadda Al-shabaab, ee Goboladda dalka.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in hay’adaha amaanka ay gacanta ku dhigeen mudooyinkii dambe 3-ruux oo uu sheegay in garsoor u doonteen Maxkamadaha Shabaab,kadib markii looga adkaaday Maxkamadaha Dowladda.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in dadkaasi oo wata Documentiyo been abuur ah inay u tagaan Shabaab si ay u carqaladeeyaan hanaanka Garsoorka dalka.
“Waxaa jira dad aan ognahay oo maxkamaddaha ay dacwado ka yaalaan, oo dacwadahaasi looga guuleystay oo Documentiyada ay sitaan been ay yihiin, dabadeedna si ay cadaaladda u hor istaagaan u taga cadowga dalka, markaa waxaan doonaynaa in aan Shacabka u sheegno in aanan u dulqaadaneyn iyadoo Garsoor Cadaalad ah dalka laga heli karo in cadowga u tagaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.
Hadalka Gudoomiyaha ayaa imaanaya xili shacabka Magaaladda Muqdisho ay garsoor u doonta Maxkamadaha al-shabaab,kuwaasi oo ku yaala Deegaano ku dhow Magaaladda Muqdisho.

