Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha shacabka ee Magaaladda Muqdisho.
Ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta iyo ka doodista miisaaniyadda dowladda 2019,taasoo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
26-kii bishaan Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya oo isbadal lagu sameeyay iyo Madaxda Wasaaradda waxa ay kulan ku yeesheen Muqdisho,waxayna kawada hadleen arrimaha Miisaaniyadda.
Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa jirey khilaaf u dhaxeeyay Guddoonka Baarlamanka Soomaliya kaasi oo ka dhashay kala diristii Guddigii maaliyadda Baarlamanka.
Balse dadaal ay saameeyeen Xildhibaano ka Tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa keenay in la xaliyo khilaafka guddoonka,islamarkaana la shaaciyay in dib loo bilaabo kulmadii Baarlamaanka Somaaliya.
Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomalaiya ayaa isbadal ku sameeyey Guddigii maaliyadda Baarlamanka,waxaana meesha laga saaray 3-xubin oo la sheegay in ahaayeen xubnihii howsha ka socon waysay.

