Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaare ka dhashay dagaal saakay ka dhacay duleedka degmada cadale ee gobalka shabeellaha dhaxe.
Godoomiyaha degmada Cadale Xuseen Muxudiin Cabdalle oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in saakay Dagaalyahano katirsan Xarakada Al shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo weyn oo Maleeshiyaadka Macawiisleeyda ay ku leeyihiin Tuulada Ceel-Muluq oo 30 KM u jirta degmada Cadale.
Mudane Xuseen Muxudiin Cabdalle ayaa sido kale sheegay in dagaalkaasi uu suura galiyay Al shabaab in ay la wareegeen gacan ku heynta Saldhigaasi ay ku sugnayeen kooxda la magac baxday Macawiisleeyda.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu dhaliyay khasaare xoogan, sido kale kooxdii macawiisleyda qaarkood in wali la la yahay halka jaan iyo cirib ay dhigeen, sida uu Simba u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Cadale.
Wali wax war ah kama soo bixin Xarakada Al shabaab oo weerarkaasi qaaday.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa dhanka kale sheegaya in tuulada xiligan ay ku sugan yihiin ciidamo katirsan Xarakada Al shabaab oo gacan saar la leh hogaanka Alqaacidda ee Caalamka.
Waxii Kusoo Kordha Goordhaw La Soco

