Faah-faahin:-Ragg Hubeysnaa oo Lagu Qabtay Magaaladda Muqdisho!!!

0

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gacanta ku dhigay ragg hubeysnaa kadib howlgal ay ka sameeyeen Magaaladda Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay Xaafadaha Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Maamulka Degmadda.

Kusimaha Gudoomiyaha degmada Yaqshiid Maxamed Xasan Gaafow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ragga la qabtay ay wateen  Mooto Bajaaj.

Waxa uu sheegay in ragga la qabtay ay gaarayaan afar nin ay dhac ka bilaabeen qeybo kamid ah degmada Yaqshiid, waxa uuna xusay in dabo gal burcadaasi lagu sameeyay suura galisay in lagu qabto degmada Kaaraan.

Mudooyinkii dambe shacabka Degmadda Yaaqshid ayaa ka cabanayay burcad dhibaato ku haysay,waxaana falkii ugu dambeeyay lagu dilay Wiil Bajaajle ahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here