Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca Maaliyada ahna kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur oo qoraal kasoo saaray xafiiskiisa ayaa shaqada ka joojiyay Gudoomiyaha Degmadda Yaaqshid Axmed Maxamed Xasan (Geedow), oo dalka dibadiisa ku maqan.
Sababta shaqo joojinta ayaa lagu sheegay in Gudoomiyaha uu ku kacay Musuq maasuq iyo wax isdaba marin,islamarkaana mudooyinkii dambe uu baaritaano lagu hayay.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in shaqada guddoomiyaha uu sii haynayo Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada degmada Yaaqshid.
Waa markii labaad ee Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca Maaliyada Xuseen Maxamed Nuur uu shaqada ka joojiyo Gudoomiye Degmo,xili bishii September sidaan oo kale shaqada ugu joojiyay guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Jeeg isagoo ku eedeeyay inuu aflagaadeeyay Xukuumadda iyo Ciidamada Booliska.

