Kooxo hubeysnaa ayaa Saakay Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Mid kamid ahaa Macalimiinta Jaamacadaha dalka.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafada Haanta-dheer ee degmada deeyniile ee Gobolkan Banaadir ,waxaana fuliyay kooxo bastooladdo ku hubeysnaa.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal ragga hubeysnaa ayaa macalinka ka toogtay qeybaha sare xili uu ku sugnaa gurigiisa hortiisa,waxayna ka baxsadeen goobta.
Macalinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamad Cabdi oo loo yaqaanay (oongooye),wuxuuna kamid ahaa barayaasha Jaamacadda Daaha ee magaalada muqisho.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa shegaya in macalinka la dilay uu la shaqeynayay Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Xukuumadda Soomaaliya,balse aan si rasmi ah loo ogeyn.

