Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa wada qorshe cusub oo ku aadan howlgalada nabad ilaalinta ah ee ka socdo gudaha Somaliya kuwaasoo ka bilaabanayo gobolada ay wali gacanta ku haayaan Al Shabaab.
Qorshahaan wuxuu awood u siinayaa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya marka magaciisa lasoo gaabiyana loo yaqaano Amisom in gobolka Jubada dhexe laga cirib tiro Al-Shabaab waxaana uu bilaaban doonaa bilowga sanadka 2019.
Hawlgallada waxaa si wadajir ah iskaga kaashanayo Amisom, Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya.
Howlgalladaan waxaa lagu ansaxiyey shirar ay goluhu yeesheen oo uu kii ugu dambeeyey dhacay bishii tagtay ee November 30-keeda, waxaana howlgallada Amisom ee Somalia ay socon doonaan ilaa sanadka 2021.
Gobolka jubbada dhexe ayaa xuduud la wadaago gobolada Gedo, Bay, Shabeelada hoose iyo badweynta India waana gobolka kaliya ee ay Al shabab maamulaan marka loo eego gobolada kale ee dalka.
Sida laga soo xiganayo afhayeen u hadlay Amisom oo lagu magacaabo Col Richard Omwega howlgalkaan waxa uu qeyb ka yahay qorshaha ay Amisom kaga baxeyso Somalia islamarkaana ciidamada Somaliya loogu wareejinayo amniga dalka.
Col Richard Omwega Waxa uu sidoo kale sheegay in qorshahan uu bilaabanayo bilowga sanadka 2019 oo ay maalmo ka harsan yihiin.
Qorshahan waxaa loo baahan yahay inay ansixiyaan saraakiil ka kala socda waddamada ay ciidamada ka joogaan oo ay kamid yihiin Kenya, Burundi, Uganda, Ethiopia iyo Djibouti kahor inta aan howlgalka la bilaabin.
Taliye ku xigeenka ciidamada Amisom ee dhanka howlgallada Gen Charles Tai Gituai ayaa 17-kii bishii December wafdi u diray magaalada kismaayo si howlgalkaan ay kala xaajoodaan taliyeyaasha iyo mas’uuliyiinta ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland.
Waxaa jiro walaac ku aadan qorshaha Amisom ee Somalia oo wijigiisa labaad uu bilaabanayo bisha Febraayo sanadka 2019.
Waddamada Kenya iyo Uganda ayaa diidan inay dhimaan tirada ciidamadooda jooga ama ay ka bixiyaan waddankan waxa ayna sheegeen in aysan ciidamadooda ka saari doonin Somalia inta dalka uu xasilooni ka helayo.
Kenya ayaa waxa ay sheegtay in aysan Alshabaab weerar weyn ka geysan gudaha waddankeeda muddo dhan 2 sano.

