Yuusuf Dabageed iyo Mas’uuliyiin Kale oo Si Dirqi ah Uga Bad baaday Al-shabaab

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar jid gal ahaa oo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Hir-shabeelle.

Weerarkaan ayaa saakay ka dhacay deegaanka Orotan oo u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan,waxaana Kolonyadda hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed),waxaa sidoo kale kamid ahaa Taliye Tareedishe.

Sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan Ciidamadda Shabaabka iyo kuwa Hir-shabeelle ayaa daqiiqado dagaalamayay ,waxaana jiro khasaare ka dhashay dagaalka.

War kooban oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku xaqiijisay in ciidamadeedu wadada galeen kolonyo ciidan ah oo mas’uuliyiin gelbinaya balse ma sheegin khasaaraha ka dhashay, ilo wareed madax banaan ayaa xaqiijinaya in saraakiishu ay si dirqi ah uga badbaadeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here