Shabaab oo Shaaciyay Dadkii ay Ku Dileen Qaraxyadii Magaaladda Muqisho

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxyadii maanta ka dhacay Magaladda Muqdisho.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Koontaroolka ku yaalla Tiyaatarka Qaranka ee Ciidamada Koofi gaduuda ay ku baaraan gaadiidka dhanka Madaxtooyadda aada.

Sida Shabaab ay sheegeen dagaalyahan kamid ahaa ciidankooda ayaa fuliyay qaraxa koowaad oo loo adeegsaday gaari kuwa raaxadda ah.

Waxay sheegeen in qaraxa koowaad lagu dilay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsanaa kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwa kalana lagu dhaawacay.

Dhanka kale qaraxii labaad ayay sheegeen in uu ka dhacay Taaladda Daljirka Dahsoon Degmadda Boondheere islamarkaana loo dhigay Ciidamo gurmad usoo ahaa halka uu qaraxa koowaad ka dhacay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here