Ala Ha u Naxariistee Wariye Cawil Daahir Salaad ayaa kamid ahaa dadkii ku geeriyooday qaraxii koowaad ee ka dhacay Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Tv-ga ayaa xaqiijiyay geerida Wariyaha iyo qaar kamid ah Shaqaalah Tv-ga oo xiligaas ku sugnaa goobta.
“Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Wariya Cawil Dahir Salaad iyo Sadex Qof oo kale oo kamid ah Shaqaalaha Tvga Universal ayaa ku Geeriyooday Qaraxi Manta ka dhacay bar Control oo ku taala Tiyaatarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho”, ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Bage-ga tv-ga.
Cawil ayaa kamid ahaa wariyayaasha waa weyn ee Soomaaliyeed,wuxuuna qaban jiray dooda ka baxa Tv-ga Universal Xarumihiisa London iyo Muqdisho, tii ugu dambeysay ayuu qabtay Todobaadkii aynu soo dhaafnay waxaana looga dooday Mooshinka Madaxweynaha.

