DFS oo Loogu Baaqay Inay Soo Dhaweyso Al-Shabaab Ama Daacish+Dhageyso

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay soo dhaweyso Xarakadda Al- shabaab iyo ururka Daacish cida Wada-hadalka diyaar u ah, xili dagaal ay isugu hanjabeen.

Pro Maxmuud Cali Xaashi oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Mudqisho ayaa sheegay in dowladda dhexe ay haatan ka faaideysan karto Khilaafka soo kala dhexgalay Al-shabaab iyo Daacish kuwaasi oo ku xoogan meelo kamid ah Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in labadda garab midkood uu diyaar u yahay wada-hadal,islamarkaana la joogo xiligii laga faaideysan lahaa,madaama uu loolan xiligaan u dhaxeeyo.

Dhanka kale waxa uu sheegay in labadad dhinac awoodooda ay hoos u dhacday, dhawaan la waayi doono.

Hadalkaan ayaa imaanaya xili Daacish ay dhawaan ku hanjabeen in ay la dagaalami doonaan Shabaab,madaama ay kordhiyeen beegsiga ay ku hayaan, sidoo kale hogaanka Shabaab oo war Soo saaray ayaa dhankooda ku dhawaaqay dagal ka dhan ah Daacish.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here