Bayaan kasoo baxay Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka ee NISA ayaa lagu sheegay in Ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen sarkaal katirsanaa Xubnaha Al shabaab u qaabilsan Qaraxya gadiidka. Warka kasoo Baxay Taliska Nabad Sugida ayaa ahaa.
“Ciidanka NISA ayaa gacanta ku soodhigay dhagarqabe amniga Al-shabaab ka tirsan, oo madax ka ahaa xarun qarsoon oo walxaha qarxa gawaarida lagula xiro. Shakhsigan ayaa sidoo kale cagajuglayn baad uga qaadi jiray qeyb ka mid ah dadka dagan Magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Warka NISA.
Bayaanka Nisa Laguma sheegin magaca iyo goobta laga soo qabtay Sarkaalkaasi Katirsan Al shabaab.
Dhanka kale majirto cid ka madax banaan Warka Nisa oo Xaqiijin karta in Sarkaalkaasi Gacanta lagu dhigay.

