Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax khasaara geystay lagu Weeraray ciidamada Itoopiya.
Goobjooge ayaa Simba u sheegay Qarax in lagu weeraray kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhanka degmada Dooloow ee gobalka Gedo.
War kasoo baxay Al shabaab ayaa lagu sheegtay masuuliyada Weerarka Qaraxaasi.
“Ciidamo Itoopiyaan oo sahay u waday ciidamo kale oo ku sugan deegaanka Yurkut ee dhaca halka ay iska galaan gobollada Baay iyo Gedo, ayaan qarax kula eeganay, waxaana halkaasi ku dilnay ilaa 40 Askari” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al shabaab.
Wali wax war ah kama soo bixin maamulka Gedo, oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxaasi miino ee lagu weeraray ciidamada Itoopiya.

