Al-Shabaab oo Weerar Qorshaynaa Ku Dhaawacay Saabit, Wiilkiisana Ku Dilay

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen Guriga Sheekh Saabit oo ku yaalla Xaafadda Buulo-sheekh ee magaaladaas.

Weerarkaan ayaa waxaa lagu dhaawacay Shiikh Saabid oo la sheegay in uu xusayay Siyaarada Sheekh Ooyaaye aya muddooyinkii dambe si aan joogto ahayn uga dhici jirtay Magaalada Jowhar.

Sidoo kale waxaa weerarkaan lagu dilay Wiil Lagu magacaabo Sheekh Muxyadiin,kaasi oo markii hore uu dhaawac soo gaaray.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maamulka Al-shabaab ee Shabeelaha Dhexe ay digniino u jeediyeen Shiikh iyo xirtiisa,balse ay ka dhaga adeegeen.

Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Magaaladda Jowhar ee Hir-shabeelle.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here