Raisuwasaare Xasan Cali Kheyre oo Magacaabay Wasiir Cusub

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magacaabay Xilka Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska dalka.

Xilkaan waxaa shalay iska casilay C/fitaax Geeseey,kadib markii Dowladda uu ku eedeeyay in ay weerar ku qaaday Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Kheyre ayaa loogu magacabay Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska dalka Mudane Cabdi Aadan Hoosow.

“ Maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka maalinimo isniin ah,wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha,Ujeedo magacaabis wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska ka dib markii uu tixgeliyay laga maarmaanimada inuu buuxiyo xilka Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska oo banaanaaday,ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo xilka Wasiirnimo maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka u magacaabay Mudane Cabdi Aadan Hoosow,wasiirka Cusub waxaa la farayaa in sida ugu dhaqsiyaha ula wareego Xafiiskiisa waana mahadsan tihiin,”.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here