Ururka Jaamacada Carabta oo Cambaareeyay Falalkii Lagu Gubay Safaradii dowlada Sacuudiga

0

Wasiirada Arrimaha Dibada ururka Jaamacada carabta ayaa  ayaa si kulul u cambaareeyay falkii ay dowlada Iiraan sameysay  kadib markii ay gubtay safaraaradii ay dowlada Sacuudiga ku laheyd Magaalada Tahran ee wadanka iiraan .

Shir mudo saacado badan socday ayaa ka dhacay Magaalada Rayidh ee dalka Sacuudiga iyadoona shirka ay kasoo  qeyb galeen wasiirada arrimaha dibada ururuka Jaamacada Carabta kuwaasi oo saacado badan ka hadlaayay xaalada cakiran ee u dhaxeysa wadamada Sacuudiga iyo Iiraan.

Xoghayaha ururka Jaamacada carabta Nabil Elaraby oo kulanka kadib saxaafada la Hadlay ayaa sheegay in ururka uu aad kaga xumaaday Falalka ay sameysay dowlada wadanka iiraan oo ku aadan Gubida safaaradii ay sacuudiga ku laheyd Magaalada Tahran ee wadanka iiraan,

Dowlada wadanka iiraan ayaa aad kaga xumaatay dil ay dowlada Sacuudiga ku Fulisay wadaad shiicada Sacuudiga kamid ahaa taasi oo keentay in banaanbaxyo ay ka dhacaan wadanka Iiraan,

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here