Madaxweynaha Dalka Eretrea, Issias Efowerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow kasoo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, isagoo halkaasi ay kusoo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Mudane Efowerki ayaa salaam sharaf ka qaatay Cutubyo ka mid ah Ciidamada Booliska Soomaaliyeed qaybta Baambayda, waxaana loo gudbiyay dhanka Villa Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa wali xiran qaar kamid ah wadooyinka Muhiimka magaalada Muqdisho, oo inta badan shacabka ay maalayaan lugtooda, maadaama magaalada aysan ka shaqeyneynin gadiidka dadweynaha.










