Maamulka Al-shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xukun Toogasho ahaa kula fuliyay 3-ruux deegaanka Mubaarak ee Gobolkaas.
Xukunkaan ayaa lagu fuliyay Ergay wax kasoo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ah ee Fadhigoodu yahay Muqdisho, halka labada kale ay ahaayeen askari oo ka tirsan Milatariga Dowladda federaalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Maxkamada Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo goobta fagaaraha ah ka akhrinayay xukunka ayaa sheegay in Hawlgallo ay sameeyeen ciidamada Xarakada Al-Shabaab lagu soo qabtay labada askari iyo Ergeyga lagu dilay deegaanka Mubaarak.
Ergayga qeybta ka ahaa Odayaashii soo xulay xildhibaanada ayaa lagu magacaabaa Maxamad Tifow Xaydar oo uu degaankiisu yahay tuulada Kabkab oo hoos tagta deegaanka Jasiira, iyadoo Xildhibaanka uu soo xulay lagu magacaabaa Cismaan Xaaji Cali,halka labadda askari lagu kala magacaabi jirey Mahad Cabdullaahi Abuukar oo ahaa 29 sano jir ah, iyo Maxamuud Faarax Aadan oo 28 sano jir ah.

