Shirka lagu Go’aamin doono doorashada Soomaliya oo Maanta ka Furmaya Magaalada kismaayo

0

Waxaa Maanta La filayaa In Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose uu ka Furmo shirka lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka,

Magaalada Kismaayo waxaa xiligaan ku sugan madax ka Tirsan dowlada soomaliya sida Raisulwasaaraha soomaliya cumar C/rashiid cali sharmarke. Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug, koonfur Galbeed soomaliya,  puntland. Madaxda urur Goboledka IGad, iyo madax kale oo shirka lagu casuumay in ay ka qeyb galaan,

Amaanka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa aad loo adkeeyay waxaa xiliyada habeenkii magaalada kismaayo lagu soo rogay bandow loogu talagalay in lagu xaqiijiyo amaanka Magaalada Kismaayo inta uu shirka socdo,

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa ku waramaya in baaqashada uu ku dhow yahay  shirka wallow madaxda maamulka Juba-land ay sheegeen in uusan baaqan doonin shirka lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here