Akhriso:-Xildhhibaanadda Mooshinka Madaxweynaha oo War Soo Saaray

0

Xildhibaanadda Mooshinka Ka keenay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo), oo shir Jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa waxa ay kasoo horjeysteen hadalka Xoghayaha Golaha Shacabka C/kariin Buux ee ku aadan in uu buray Mooshinka.

Waxa ay sheegeen in Mooshinka Madaxweyne Farmaajo uu yahay mid sharci ah,islamarkaana Buux uusan aheyn Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka AKhriso Qodobadda ay Soo Saareen

  1. Inuu u hoggaansamo dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.
  2. Inta mooshinka xilka-qaadista ee xildhibaanadu soo gudbiyeen Barlamaanku uga codaynayaan in uusan sameyn karin qodobada soo socda:
  3. a) In wax heshiis ah uusan geli karin.
  4. b) In uusan qofna magacaabi karin xilna ka qaadi karin.
  5. c) In uusan dalka ka bixi karin inta dacwadaadu dhinac uga dhacayso.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here