Gudoomiye Ku-xigeenadda oo Saaray Go’aano Lagu Go’doominayo Mursal

0

Gudoomiye Ku-xigeenadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay soo saareen 7-Qodob oo lagu Go’doominayo Awoodaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan.

Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamanka Soomaaliya mahad Abdala Cawad oo qoraalka aqrinayay ayaa sheegay in Goluhu galay khilaaf Dastuuri ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan aqoonsaneyn Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacabka, maadaama lakala diray.

Ugu dambeyntii waxa ay sheegeen in guud ahaan laga doonaayo shaqaallaha iyo maamulka Golaha in aysan ka qeyb galin Khilaafka cusub ee Guddoonka, si loo ilaaliyo Hantidada iyo dhammaan Ammaanka xarunta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here