War Deg Deg:-Ganacsade lagu Dilay Muqdisho, Gaarigiisa Laga Qaatay

0

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxa ay ku dileen Nin Ganacsadaha ahaa.

Dilkaan ayaa ka dhacay Agagaarka ex-koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal Ganacsadaha oo lagu magacaabi jirey Cabdi Cismaan Afrax oo loo yaqaano (Cabdi Biifane), ayaa la dilay xili uu gurigiisa kasoo baxayay,waxaana goobta ka baxsaday kooxihii ka dambeeyay dilka.

Sidoo kale  rasaasta lagu furay Ganacsadaha waxaa ku dhaawacantay Gabar uu dhalay oo guriga ku sugneyd.

Dhanka kale qaar kamid ah Eheladiisa ayaa sheegay in ragga hubeysnaa ay qaateen Gaari Prado ah oo uu watay.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta loo beegsaday Ganacsadahaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here