Ururka Suxufiiyin Qaranka Soomaliyeed ee Nusoj ayaa si weyn u soo dhaweeyay Saxiixa uu Madaxweynaha Soomaliya Saxiixay xeerka saxaafada ay dhawaan ansixiyeen xildhibaanada baarlamanka soomaliya,
Xoghayaha ururka suxufiiyin qaranka Soomaliyeed ee Nusoj Maxamed ibraahin pakistaan oo wareysi siiyay idaacadda simba ayaa sheegay in ururuka uu si weyn u soo dhaweynayo saxiixa Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud oo ku aadan dhanka saxaafada isagoona hadalkiisa ku daray in xeerkaan uu waxbadan u qaban doono suxufiiyinta soomaliya,
Hadalka Xoghayaha ururka suxufiiyin qaranka Soomaliyeed ee Nusoj Maxamed ibraahin pakistaan ayaa imaanaya xili maalintii shalay wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha soomaliya lagu saxiixay xeerka ay dhawaan ansixiyeen xidlhibaanada baarlamanak soomaliya

