Dowladda Kenya oo Hakisay Duuliymaayadda Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi

0

Kenya Airways ayaa dib u dhigtay duulimaadkii tooska ahaa ee kasoo kicitamayey garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta kuna soo degayey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qorshaha duulimaadkan isaga kala gooshaya magaalooyinka Nairobi iyo Mogadishu ayaa ahaa inuu bilowdo 15-ka bishii soo idlaatay ee November, balse maanta oo arbaco ah ayaa la shaacisay in la hakiyey.

War saxaafadeed ka soo baxay Talaadadii, madaxa shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz ayaa sheegay in shirkaddu aysan duulimaad u diri doonin Soomaaliya illaa iyo ogeysiis dheeraad ah oo laga helayo waddada si ay diyaaraduhu ugu duulaan waddada.

Waxaa jira dib-u-dhac ku yimid in KQ ay hesho shuruudaha howl-fulin ee dheeriga ahloona baahan yahay, bilawga duulimadkan ayaa dib loo dhigay illaa iyo laga helayo ogeysiis dheeraad Duulimaadka maalinlaha ah waxa la filayey inuu garoonka JKIA kasoo duulo 07:40 am subaxnimo islamarkaana uu soo cagadhigto garoonka Aden Adde ee magaalada Mogadishu saacadda marka ay tahay 9:55 am.

Intaa kadib Waxaa la filayay in ay ka baxaan Garoonka Caalamiga ah ee Aden Adde, oo ku yallo Muqdisho 10:45 subaxnimo si ay ugu soo noqdaan magaalada Nairobi 1:00 galabnimo.

Kenya airweys ayaa u qorsheeysay safarka magaalooyinka Mogadishu iyo Nairobi diyaaradda Bombardier Dash 8 Q400.

Dib u dhaca duulimaadkan ayaa imaanaya kadib markii seddex waddan oo kamid ah waddamada geeska Africa ay diideen in shirkadda Kenya airweys ay ugolaadaan isticmaalka diyaradaha Bombardier si loo jadwaleeyo duulimaadyada caasimadahooda waxaana taasi aysababi kartaa colaad diblomaasiyadeed.

Dowladda Burundi ayaa diiday diyaaradda Bombardier DHC8-Q400 iyadoo ku doodeysa inaysan kuras ganacsi, dowladaha Djibouti iyo Southern Sudan ayaa sidoo ka biyo diiday arrintaan.

Kenya Airways ayaa doorbideysa isticmalka diyaaradaha Bombardier iyadoo ku sababeyneysaqarashkeeda oio ah mid yar.

Guddoomiyaha Kenya Airways ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay u sheegay baarlamaanka Kenyain diidmada diyaaraddan ay ku dhisan arrimo siyaasadeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here