Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamadda Nabadd Sugidda iyo Kuwa Mareykanka,kaasi oo ka dhacay Degmadda Awdhiigle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka oo dhacay xalay lala beegsaday Al shabaab oo diyaarinayay qaraxyo ay ku dhibaateeyaan Shacabka sida warka loo dhigay.
“Howlgal ciidanka Amnigu xalay ka fuliyay xarun ay Alshabab ku lahayd tuulada Awdheegle, ayaa lagu soo qabtay walxaha qarxa oo loo diyaariyay in lagu dhibaateeyo shacabka. Ciidanka Amniga ayaa naftooda u hura badbaadada shacabka”.ayaa Lagu yiri War ka soo baxay NISA.
Dhanka kale Al-shabaab oo ka hadlay weerarka waxa ay sheegeen in ay fashiliyeen duulaan ay kusoo qaadeen Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa Mareykanka,islamarkaana uusan jirin wax khasaare ah.

