Gudoomiye Mursal iyo Farmaajo Iyo Kheyre Ka Diiday 3-qodob ay Ka Dalbadeen

0

GuddoomiyahaGolaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo Raisulwasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa isku mari waysan Saddex qodob.

Kulamo loogu hadlayay arintaan ayaa saacadihiii aynu soo dhaafnay ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya,waxaana ka qeyb galay Madaxweyne Farmaajo,Guddoomiye Mursal, Ra’iisul Wasaaraha kheyre iyo Kusimaha Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida Fahad yaasiin.

Guddoomiye Mursal ayaa diidan in uu aqbalo saddex qodob, oo kala ah 1- in Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo 2- In uu tartamo Mukhtaar Roobow oo aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin 3- In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here