Cabdirashiid Taara Oo Caawa lagu Dilay Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa gudaha degmada Yaaqshid ku dilay Cabdirashiid Taara oo dadka deegaanka Simba u xaqiijiyeen inuu Xiriir la lahaa dowladda soomaaliya.

Marxuum Cabdirashiid Taara ayaa si gaar ah loogu dilay Nawaaxiga Isgoyska Hotel Towfiiq oo uu ku yaalay hoygiisa, sida Eheladiisa Simba u Xaqiijiyeen.

Qaar katirsan eheladiisa ayaa sheegay marxuumka in uu mudooyinkii danbe xiriir la lahaa dowlada,balse waxey ka gaabsadeen iney faah faahin kale bixiyaan.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa gaaray goobta lagu dilay Cabdirashiid Taara oo ilaa hada aysan jirin cid sheegatay masuuliyada dilkiisa.
Waxii kusoo Kordha Goordhaw La Soco

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here