Al-shabaab oo Sheegay in ay Dileen Ciidamo Ka Tirsanaa Dowladda Soomaaliya

0

Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa lagula eegtay Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya Duleedka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay deegaanka Weydoow ee dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho,waxaana dhawaqiisa laga maqlay Xafadaha deegaanka Weydow.

Qaraxa ayaa haleelay gaari nuuciisu yahay Roneed, dhammaan Ciidamadii gaariga la socday ayaa la sheegay in ay noqdeen dhimasho iyo dhaawac,sida ay dadka goob-jogayaal ah ay inoo sheegeen.

Dhanka kale Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay deegaanka Weydoow ee dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho,sida warbaahintooda lagu baahiyay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here