Guddiga Doorashadda Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta sheegay in dib loo dhigay markii Seddexad doorashadda Madaxweynaha maamulka.
Qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen in doorashadda ay dhici doonto 19-ka bishaan December ee sanadkaan.
Sababaha dib loogu dhigay doorashadda markii seddexaad ayaa lagu sheegay waqtiga ay heystaan iyo shaqooyinka qabyada ee u baahan in muddo cayiman gudaheed lagu qabto, islamarkaana sidoo kale ay ogaadeen martida caalamiga ah iyo xubnaha goobjooga ka noqonaya doorashada aanay ku wada imaan karin waqtigii loogu tala galay.


