Maareeyaha Garoonka Magaaladda Jowhar oo Dilay Xaaskiisa oo Uur Laheyd!!!

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas Ibraahin Maxamed Cali (Cali Dheere) uu xalay xaaskiisa dilay.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Hantiwadaag ee Magaalada Jowhar,waxaana dilka kaddib uu Maareeyaha isku dayay in uu baxsado,balse waxaa gacanta ku dhigay Ciidamadda amaanka.

Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabayay Jamiilo Sheekh Cali,waxaana ay ahayd 32 jir Uur lahayd sida naloo xaqiijiyay.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa dilka uu geystay, Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here