Aroornimadii hore ee saaka, ciidamo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa howlgal xoogan ku qaaday guri uu magaalada Gaalkacyo ka degnaa Cabdi-weli Cali Cilmi oo ahaa Ninkii sheegtay Inuu yahay Nabi.
Al shabaab ayaa faah faahiyay qaabka uu weerarka u dhacay iyo khasaaaraha ka dhashay.
“Howlgalka waxaa lagu daahfuray camaliyad Nafhurnimo ah, waxaana markaas kadib guriga saldhiga u ahaa ninkan u daatay ciidamo katirsan Al shabaab, kuwaas oo toogasho ku billaabay ciidamadii ilaalada u ahaa Ninkan” ayaa lagu yiri warka.
Al shabaab ayaa sheegay yiri “howlgalka waxaa lagu dilay Cabdi-weli oo ah zindiiqa Nabinimada sheegtay, Nabigeenana aflgaadeeyay, waxaana lala dilay inkabadna toban askari oo kamid ahaa ilaaladiisa gaarka ah” ayaa lagu yiri warka Al shabaab.
Xarakad Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda howlgalkan lagu qaaday ninkan aflagaadeeyay Nabigeena Muxamad Sallaahu caleyhi wassalam, marar badana kasoo horjeestay hadalka culimada oo ahaa inuu waxaasi iskaga haro.

