Wararka ka imaanaya Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramayan in Al-shabaab ay amaro kusoo rogeen garoomadda Salaxyadda kubadda Cagta ee magaaladaas.
Sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Milkiilayaasha Garoomadda Shabaab ayaa soo bandhigay qaabka loo ciyaarayo iyo xiliyada la ciyaarayo intaba.
Amaradda Shabaab ay soo bandhigeen waxaa kamid ah in raggu ay xirtaan buumooyin dhaadheer oo qarinkara jilbaha, in aan la siibi karin funaanadaha iyo aan la ciyaari karin waqtiga salaadda.
Sidoo shabaab ayaa shaaciyay in aysan furnaan Salaxyadda wixii ka dambeeya 22:00 Fiidnimo.
Milkiilayaasha Salaxyadda beledweyne ayaa sheeegay in ay u hogaamsameen amarka kasoo baxay Al-shabaab,islamarkaana macaamiisha ay ku wargaliyeen.
Al-shabaab ayaa dhawaan amar ku bixiyay in la xiro Garoomaddaa Salaxyada ku yaala Magaalada muqdisho ee Caasimadda Sooomaaliya,inkastoo dowladda Soomaaiya ay arintaan gaashaanka u daruurtay.

