Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Dabka Ka Kacay Garoonka Aadan Cadde

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dab saakay ka kacay Gudaha garoonka diyaaada aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka duulista iyo gaadiidka Xukuumadda Federalka Somaliya C/laahi Salaad Oomaar oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa ka hadlay dabka kacay garoonka saakay iyo khasaraha uu dhaliyay.

“Maanta subaxii saacaduna aheyd 05:30 ayaa koronto sababtay qaac inuu galo gudaha dhismaha garoonka muqdisho. Haba yaraatee wax gaaray garoonka, qalabka iyo naf ma jiraan marka laga reebo jiko yar oo ay korantada wax gaarsiisay,garoonka waa uu shaqaynayaa si caadi ah Duulimaadyaduna si habsami leh ayey u socdaan” ayuu yiri Wasiir Omaar.

Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in shaqaddii garoonka ay socoto, islamarkaana aysan wax saameyn ah ku yeelan Shaqaddii duulimaadyadda ee Garoonka Aadan Cadde dabkaasi yar ee Garoonka ka kacay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here