Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay in dowladda dhexe ee federalka Soomaaliya ay rabto inay awoodaha, daqliga iyo dhismaha dowladnimo iyo xariirka dibadda ay rabto in iyada isku koobto.
Isagoo la hadlay idaacada VOA-da ayuu sheegay in maamul goboleedyada ay masuuliyadd xooggan ka saaran tahay shacabka ay matalaan.
Waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ah ay ku faanto bixinta mushaarka shaqaalaha dowladda, shaqaalahaas oo uu sheegay in kaliya ay yihiin kuwa Muqdisho jooga ee aysan ku jirin shaqaalaha jooga dowladd Goboleedyada
Sidoo kale waxuu ka hadlay in xilka uu iska casiley madaxweynhii Koonfur Galbeed Shariif Xassan oo ahaa guddoomiyhii golaha iskaashiga maamul-goboleedyada.
C/wali Gaas ayaa sheegay in ay sharci darro ahayd in Xildhibaannada Maamulka Koofur Galbeed in Diyaarado lagu qaado Xamarna la geeyo sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa wali jira khilaafka u dhaxeeya Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo maamul Goboledyadda dalka ka jira, waxaa dhawaan jirey heshiiyo dhexmaray Maamuladda Hir-shabeelle,Koonfur galbeed Soomaaliya iyo Dowladda Dhexe.

