Xildhibaan Cismaan Cabdulahi Dhoore oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeele oo la hadlay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qarax lagu diley Khamiistii mid kamid ah xildhibaanada maamulkaas isagoo tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle ee uu ka geeriyooday.
Xildhibaan Cismaan Cabdulahi Dhoore ayaa ugu baaqay Xildhibanada baarlamanka Hir-shabeelle inay ka taxadaaran markii ay Muqdisho ymimaadaan.
Allaha u Naxariistee Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim ayaa kamid ahaa Xildhibaannada lagu aas aasay Hirshabelle isagoo door muuqda ku lahaa dhisida iyo Horumarinta Maamulka.

