Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya laba qarax oo goordhaw ka dhacay agagaarka KM4 ee Muqdisho.
Qaraxyada ayaa la sheegayaa in lagu weeraray inta Xarunta danbi Baarista CID Iyo Hotel Saxafi, sido kale wararka ayaa sheegaya in Rag hubeesan ay gudaha u galeen Hotel Saxafi ayna saaranyihiin qaybta sare.
Dhanka kale Xarunta danbi Baarista CID ayaa kamid ah goobaha la weeraray, walow aan war rasmi ah laga heyn xarunta ragii weeraray iney gudaha u galeen iyo in kale.
Gadiidka gurmadka deg dega ayaa goobta gaaray, waxaana jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

