Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka u ambabaxay dalka Itoobiya.
Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa la xiriira shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan madaxda dowladdaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya.
Heshiiskii Shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay Waddamada Gobolka ku yeesheen Magaalada Asmara ee Dalka Eretrea bilo ka hor ayaa waxyaabihii logu go’aamiyay kamid ahaa kulankan.

