DEG DEG: Dab Ka Kacay Muqdisho (Sawirro)

0

Waxaa Daqiiqado Kahor Dab uu ka kacay Guri Ku yaal Xaafada Baar Ubax Gaar ahaan Baar Caasho Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Dab kan ayaa ka kacay Koronto sida ay Simba u sheegeen Qaar kamid ah Ehelada Guriga Ayaa waxaa damintiisa iska kaashaday dadka xaafada iyo dab damis ay leedahay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

Majirto khasaaro nafeed balse  dabku waxa uu wax yeelo ba’an u geystay Guriga iyo Dhamaan Agabkii yaalay ama ku dhex jiray.

Lasoco Goor Dhaw Xogta Gurigaan Gubtay Oo dhameystiran Facebook/ Radio Simba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here