Maamulka Juba-land ayaa sheegay in maalinta bari uu si rasmi ah u Furmi doono shirka lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka
Afhayeenka Maamulka Juba-land C/naasir Seeraar Maax oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka Juba-land uu si weyn ugu diyaar garooway marti galinta shirka lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa,
Mudane C/naasir Seeraar Maax waxa u sheegay in si weyn loo adkeeyay amaanka Magaalada Kismaayo inta uu shirka socdo isagoona sheegay in sugida amniga ay qeyb ka Yihiin ciidamada midowga Africa ee amisom ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Juba-land,
Shirka ayaa la filayay in uu furmo maanta oo axad laakin qilaaf soo kala dhaxgalay madaxweynayaasha Juba-land iyo Koonfur galbeed soomaliya ayaa keentay in shirka dib loo dhigo wallow shalay ay kuwad heshiyeen in ay ka qeyb galaan shirka,

